Diyaarad Sahay u siday Ciidamada Kenya oo ku burburtay Dhoobley

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose.

Diyaaradna oo aheyd nooca xamuulka ayaa sahay u siday Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee saldhigga ku leh Dhoobley.

Wararka ayaa sheegaya in shilka diyaaradeed uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay in hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda uu geeriyooday, halka 3 qof oo kale ay dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xilli ay diyaaradda caga dhigan rabtay ay dhacday, waxaana hakad galay howlihii garoonka diyaaradaha Dhoobley.

Wixii warar ee ku soo kordha la soco.