Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay xubin ka mid ah guddiga Doorashooyinka

Golaha aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad. ee golaha waxaana ajandaha maanta uu anaa ansixinta xubin ka mid nooneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliiya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeen.

Ugu dambeyn dhammaan 31-ka xubnood ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xubintan cusub ayaa waxaa hore u soo ansixiyey baarlamanka Federaalka Soomaaliya