Faah Faahin: Dagaal lagu dilay Sarkaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka hadlay Taliska qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka, iyagoo sheegay inay jab xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Sheekh C/llaahi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kaga dileen dagaalka 17 maleeshiyo, oo uu ku jiro sarkaalkii qaabilsanaa Gobolka Baay oo lagu magacaabo C/casiis Isxaaq Nuurow (Abuu Yaxye).

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay dagaalka kaga dhinteen hal sarkaal iyo saddex askari, ayna weli ciidanka ka wadaan deegaanka Daynuunay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa dagaalo waxay ka dhaxeen deegaanada Daynuunay iyo Ceeljalaae ee Gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose, halkaasoo saldhigyada Ciidamada ku sugan yihiin ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.