Ajandihii maanta ee Kulanka Golaha Shacabka oo buuq hareeyay

Kulankii maanta ee Golaha shacabka ayaa waxaa buuq hareeyay Ajandihii looga doodi lahaa ee xalay Xildhibaannada farriin qoraal loogu diray.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeed Dambiyada la xiriira Galmada Dumarka.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa ku tilmaamay sharcigan inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka, iyadoo dalbaday in dib loo celiyo.

Intaas kaddib Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa u sheegay Xildhibaannada in ajandaha laga soo saaro iyo in kale, waxaana inta badan Xildhibaannada isku raaceen in ajandaha laga saaro.

Kulankii maanta oo ka mid ahaa Kalfadhiga 7aad ayaa si gaar ah isha loogu hayay, waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada ay dalbadeen in la furo Ajandaha doorashooyinka dalka, waxaana jirtay tuhun ku saabsan in Xildhibaannada ay ansaxsadaan muddo kororsi 2 sano ah.