Guriceel: Bam gacmeed lagu weeraray Hoyga Sarkaal ka tirsan NISA

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday bam gacmeed lagu qaaday guri uu degenaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA.

Sarkaalka la weeraray ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Cabdi Raagge oo ka tirsanaa Saraakiishii ciidanka Ahlusuna, weerarka bambaano ayaa la sheegay inuu ka badbaaday.

Weerarkan ayaa ahaa kii u horreyay muddo 12 sano ka dhaca Guriceel, waxaana sarkaalka la weeraray uu ahaa ninkii gacanta ku dhigay qofkii doonayay inuu isku qarxiyo sanadkii hore 2019 munaasabadii Ahlusuna.

Ciidamada Amniga ayaa howlgallo amniga lagu sugayay ka sameeyay xaafadaha Guriceel, inkastoo aanan cid loo soo qaban.