Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Madaxda Shirkadda Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxmed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha iyo Howlwadeenada Shirkadda Dhiseysa Wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Madaxa Shirkadda ENEZ ayaa madaxweynaha Sharaxaad ka siiyay fulinta mashruuca Wadada oo la qorsheynayo in uu dhowaan bilowdo.

Sidoo kale Madaxa Shirkadda ENEZ waxa uu soo bandhigay qorshaha, ka hortaga fatahaada wabiga Shabelle oo dhowaan Turkiga Uu fulinayo mashaariic la xiriira Fatahaada.

Shirkaddaan oo lagu Magacaabo ENEZ oo ah shirkad Turki ah waxaana sidoo kale mashaariic kale duwan ay ka fulineysaa Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowaan la kulmay safiirka dowlada Qadar ee dalka Soomaaliya isagoo kala hadlay dedejinta dhismaha wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo burbur xoog leh uu saameeyay.