Ciidamada DANAB oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay Hobyo

Cutubyo ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, ayaa xalay howlgal qorsheysan waxey ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalo Xeebeeda Hobyo ee gobolka Mudug, halkaasoo ahaa bartilmaameedka ciidankan.

Saraakiisha ciidamadan hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalkooda ay ku soo qabteen dhowr ruux oo ay la xiriiriyeen Shabaab, kuwaasoo ay haatan ku hayaan xabsiyo gaar ah oo ay ka sameysteen magaalada Hobyo, iyadoo aaney jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen intey baarista wadeen.

Taliyaha Ciidanka Danab qeybta Galmudug oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa sheegay in dhalinyaradan baaritaano adag la marin doono, iyadoo sharciga la horgeyn doono dadka uu ku soo boxo tuhunka loo soo xiray, halka kuwa aan wax danbiya leheyna la sii deyn doono.

Magaalada Hobyo ayaa mudooyinkii la soo dhaafay marti galineysay wufuud kala duwan, waxaana la isu diyaarinayaa sidii dekedeeda dib u dhis balaaran loogu sameyn lahaa, si ay u noqoto isha dhaqaale ee ugu weyn maamulka Galmudug.