Dalxiisayaal Faransiis ah oo lagu diley dalka Niger

Lix ruux oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Faransiiska iyo labo ruux oo garwadeen u ahaa ayaa lagu diley beer loo dalxiis tago oo ku taal gobolka Tillaberi ee dalka Niger.

Guddoomiyaha gobolka Tillaberi Tidjani Ibrahim ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in rag hubeysan oo saaran mootooyin ay qafaasheen kooxdan dalxiisayaasha ahaa kadibna toogasho ku diley.

Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dadkan u dhashay dalka Faransiiska lagu diley dalka Niger.

Dowlada Faransiiska ayaa ugu digtey muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Niger halkaa oo deegaano badan oo ka mid ah dalkaas ay joogaan ururo daacad u ah ururada Boko Haram iyo IS.

Halka lagu diley dalxiisayaashan u dhashay dalka Faransiiska iyo labo ruux oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah meel lagu xanaaneeyo xayawaanka Geriga waxayna u jirtaa magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger illaa 65km.

Dalka Niger ayaa waxa uu xad la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Libya, Mali, Chad, Algeria iyo Nigeria.