Sawirro: Wajiga labaad ee dhismaha Wadada Muqdisho iyo Afgooye oo bilowday

Waxaa dib u bilowday wajiga labaad ee dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo muddo bilo ah hakad ku jiray, tan iyo markii bishii December 2019 weerar is qarxin ah lagula eegtay Ex Koontarool Afgooye Injineero u dhashay dalka Turkiga oo dhisayay wadadaas.

Laami dhigista Wadada ayaa bilowday, waxaana la arkayay shaqaale u dhashay Soomaali iyo Turkish oo si taxadar leh uga qeyb qaadanaya howsha, waxaana sidoo kale howshaas qeyb ka ahaa Gawaarida loogu tala galay dhismaha waddooyinka ee Laamiga saaraya.

Dib u dhiska Wadadan ayaa marxalado kala duwan soo maray, iyadoo caqabada ugu weyn ay aheyd arrimaha Amniga oo tiro dhowr jeer qaraxyo lala eegtay Shaqaalaha dhisayay Wadadaas.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dhisaya wadadaas, iyadoo ay maalgelineyso Dowladda Qatar, waxaana haddii la dhameystiro dhismaha Wadadan uu noqonayaa mashruucii u horreeyay lagu guuleysto oo ah dhismaha wadada isku xira Muqdisho iyo Labada Shabeelle.

Dowladda Qatar ayaa horay u balan-qaaday inay dhiseyso Waddada isku xira Muqdisho iyo Afgooye- Muqdisho iyo Balcad, waxaana haddii uu soo gabagaboobo wadada Afgooye la filayaa inay bilaabato Wadada Balcad.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa ahaa mid burbursanaa oo dadka isticmaala ay dhib badan ku qabeen, sidoo kale wadadan ayaa muhiim u ah isu socodka ganacsiga khudaarta laga keeno Gobolka Shabeellaha Hoose iyo badeecadaha ka soo dega Dekeda Muqdisho ee u gudba Gobolada Koofureed.