Wasiirka dhalinyarada Hirshabelle iyo ehelada Wiil lagu dilay Beledweyne oo Cadaalad dalbaday

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee dowlad gobaledka Hirshabelle Maxamed Cabdulaahi Cali iyo Nabadoono iyo waxgarad ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa waxa ay ka hadleen dilka Caydaruus Calaawi Saciid oo ahaa wiil dhalinyara ah oo dhowaan lagu diley magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah nabadoonadii iyo waxgaradka uu ka soo jeeday Caydaruus Calaawi Saciid oo sadexdii bishan si arxan darro ah loogu diay Baledweyne ayaa waxa ay dalbadeen inay cadaalad helaan isla markaana sharciga la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilka marxuum Caydaruus Calaawi Saciid.

Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdulaahi Cali ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dad lagu tuhmayo in ay ka danbeyeen dilka Caydaruus Calaawi Saciid oo kamid ahaa dhalinyarada bajaajta uga shaqeysta magaalada Baledweyne uuna rajeynayo in caddaalada la horkeeno.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa dhawaan koox hubeysan ay ku dileen magaalada baladweyne iyagoo bireeyay markii dambana gubay meydkiisa.