Al-Shabaab oo sheegtay in weerar hubeysan ka fulisay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar xalay fiidkii ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, kaasoo ay ku qaaday goob Ciidamada Booliska ku sugnaayeen.

War qoraal ah oo Al-Shabaab ku baahisay baraha Internet-ka ayay ku sheegtay in weerarkaas ay ku dishay  hal askari, labo kalena ay dhaawac soo gaareen.

Goobjoogayaal ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas xooggan oo xalay ka dhacayay Bar ciidamada ku sugnaayeen, waxaana rasaasta ahaa kuwo la isu weydaarsanayay.

Al-Shabaab ayaa habeenadii la soo dhaafay weeraray xilliyada saq dhexe fariisamaha ciidamada kaga sugan yihiin Yaaqshiid iyo Huriwaa, iyagoo rasaas ku furayay.