Axmed Qoorqoor “Shirka Dhuusamareeb Waqtigii lagu balamay ayuu dhacayaa”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareeb uu dhici doono xilligii lagu balamay, isagoo meesha ka saaray inuu dib u dhac ku yimaado Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne Qoorqoor oo ku sugan dalka Turkiga ayaa khudbad uu xalay u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Istanbul waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara shirka Dhuusamareeb 3, lana tixgeliyo reer Galmudug.

“Waxaa balansan oo madlan gogoshii Dhuusamareeb 3 oo ay tahay in go’aamo wax ku ool ah oo waqtiga hadda lagu jiro, iyo arrimaha Soomaaliya horyaala looga tashado oo lagu gaari lahaa ayaa noo taala 15 bisha agosto, waxaa ku kalsoonnahay sidii madaxdii soomaaliyeed caasimadda galmudug loogu soo dhoweeyay in shirka soo socda loogu soo dhoweyn doono”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan Madaxda uu la xiriiray, ayna rajeynayaan in la tixgeliyo oo la dhowro, si la isugu yimaado gogosha soo socda ee Dhuusamareeb 3 ee lagu balansan yahay 15 bishan Agosto.

Inkastoo Madaxweyne Qoorqoor uu caddeeyay in shirka waqtigii lagu balamay la isugu imaan doono, haddana waxaa muuqata in farsamo ahaan aanu shirka dhici doono waqtigii lagu balamay ee 15-ka agosto oo ay ka harsan tahay 5 maalin.