Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, maalin kaddib dilkii Taliyihii hore Madaxtooyada G/sare Cismaan Cumar.

Xeer Lr 51 oo uu soo saaray Madaxweyne Deni ayuu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qeeybta Boolisla Gobolka Nugaal.

Halkan hoose la akhriso magacaabida:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=