Rasaas ka socota gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Maxaabiis ka dhex dagaalameysa

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo gudaha Xabsiga Dhexe Muqdisho, iyadoo lagu soo waramayo in qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga ay gacanta ku dhigeen hub.

Sida wararku sheegayaan ilaalada xabsiga ayaa la sheegay inay toogteen qaar ka mid ah maxaabiista oo la sheegay inuu hub gacanta u galay.

Illaa iyo hadda lama oga in hubka lala galay Xabsiga iyo inuu yahay hubkii askarta, waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan xaalada xabsiga.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku xiran Maxaabiis kala duwan oo xukuno kala duwan ku dhacay, waxaana ku jira maxaabiis Al-Shabaabnimo loo xukumay.

La soco wixii warar ku soo kordha