Faah Faahin: Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo dagaal ku dhex maray Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab, iyadoo lagu soo waramayo in dagaalkaas ahaa mid culus.

Dagaalka ayaa saaka ka socda deegaanka Shabeellow oo 20KM dhanka bari kaga beegan degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay, kaddib markii ay Al-Shabaab afduubteen qaar ka mid ah dadka degaanka oo uu ku jiro Sheekh Caan ah, isla markaana dadka deegaanka oo ka carooday ay la dagaalameen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana illaa hada la xaqiijiyay dhimashada illaa afar ruux oo Al-Shabaab looga dilay dagaalka.

Hase ahaatee Maamulka deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay inuu ku baxay deegaanka dagaalka ka socdo, isla markaana dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa ka taliya deegaano ka tirsan Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana dhowr jeer oo hore Maamulka Galmudug ay sheegeen inay ka saari doonaan.