Maxay ka wada hadleen Axmed Qoorqoor iyo C/kariin Guuleed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku kulmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Qoraal uu C/kariin Guuleed soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay kulankaas iyo waxyaabihii isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ka wada hadleen.

“Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh, Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro”ayuu yiri.

Mr Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hadyaa Shirka Dhuusamareeb sida uu yiri.

“Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda”ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Habeen hore ayay aheyd markii Munaasabad ka dhacday Istanbul oo lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu ka sheegay C/kariin Guuleed inuu ka mid ahaa dadkii wax ka soo dhisay Qoorqoor, isagoo mucaarad ah, inuu hadana taageerayay Axmed Qoorqoor oo ahaa Musharaxii dowladdu wadatay.