Go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Somaliland oo loo gudbinayo Maxkamada Sare 

Kulan ay yeesheen Golaha wasiirada Somaliland ayaa loogaga dooday qabsoomidda doorashooyinka Golaha wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka.

Sidoo kale Waxaa kulankan ka hadlay wasiirka isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada isagoo golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Golaha Wasiirada oo dood dheer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, ayaa go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.