Labo Wasiir oo isku gacan qaaday maanta Shirkii golaha Wasiirada

Sii-Hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Axmed Amar Dambe iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta gacan ka hadal ku dhex maray shirkii golaha wasiirada.

Gacan ka hadalkan ayaa dhacay ka hor shirka Golaha Wasiirada inta aanu furmin, waxaana gacan ka hadalkan uu yimid kaddib markii ay ku murmeen arrin wasaaradda gaashaandhigga quseysa oo ay isku qabteen.

Ilo wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in gacan ka hadalka uu bilaabay Wasiiru Dowlaha Mr Xagaa,Intaas kaddibna Wasiir Amar Dambe ayaa la sheegay inuu shirka isaga tagay.

Ma jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan gacan ka hadalkan maanta dhacay.

Falkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo laga soo wariyo kulamada golaha wasiirada, tan iyo markii la riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.