Madaxweynaha Hirshabeelle oo sameeyay xil ka qaadis Wasiir iyo magacaabis (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Cali Xaaji Cabdulle (Isgoowe).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in markii uu arkay dardar gelinta howlaha dag ee horyaalla Wasaaradda in xilka Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle laga qaaday Xildhibaan Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe.

Sidoo kale waxaa xilka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka loo magacaabay Xildhibaan C/qaadir Abuukar Muxumed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horay u soo saaray wareegto si hal haleel ah xilka looga qaaday Wasiirada Hirshabeelle, waxaana Maamulka Hirshabeelle uu noqday kan ugu xil ka qaadis iyo magacaabis badan maamulada dalka ka jira.