Madaxweyne Qoorqoor oo sheegay in Shirka Dhuusamareeb uu qabsoomayo waqtigii lagu balamay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug kaddib socdaal hawleed oo qaatay labo usbuuc ah oo uu kaga maqnaa deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo hadal kooban siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in shirka Dhuusamareb 3 waqtigii loo asteeyey uu ku qabsoomayo, ayna diyaar u yihiin marti gelinta shirka.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in guddigii loo xil saaray in ay ka baaraan dagaan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa ay soo gaarayaan magaalada Dhuusamareeb dhawaan si ay howlahooda u bilaabaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ay imaan doonaan magaalada Dhuusamareeb si halkaasi uga furo wajiga sadexaad ee shirka Dhuusomareeb.