Wadamada Imaaraadka iyo Israel oo xiriir diblumaasi yeelanaya

Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa gaaray maanta heshiis ah inay caadi ka dhigaan xiriirka diblumaasi ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan oo ay garwadeen ka tahay dowlada Maraykanka ayaa maamulka Israel ku oggolaaday inuu joojiyo la wareegida daanta galbeed.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu heshiiskan yimid kadib wadahadalo muddo dheer socday oo u dhexeeyay UAE,Maraykanka iyo Israel.

Heshiiskan ayaa lagu gaaray xiriirka dhinaca taleefanka ah oo dhex maray Madaxweyne Trump,ra’iisul Wasaaraha Israel Banjamin Netanyahu iyo Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Mohamed Bin Zayed.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa boggiisa Twitterka ku soo daabacay;”Heshiis Weyn oo taariiqi ah ayaa waxaa gaaray maanta dalalka aynu saaxibada nahay, Israel iyo Imaaraadka Carabta.”

Mas’uuliyiin ka socda Imaaraadka iyo Israel ayaa kulmaya toddobaadyada soo socda si ay u kala saxiixdaan heshiis dhinaca maalgelinta, dalxiiska, duulimaadyada, isgaarsiinta iyo arrimo kale.

Labada dal ayaa la filayaa inay si dhaqso ah safiiro is dhaafsadaan,waana heshiiskii ugu horeeyay ee dal ku yaal Khaliijka la gaaro Israel.