Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Fuursade oo shaqada ka tagay

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fuursade uu isaga tagay shaqada Madaxtooyada, kaddib muddo sanad ah oo uu xilkaas hayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dr. Fuursade uu shaqada uga tagay arrimo u gaar ah, waxaana uu ka mid ahaa ragga aadka loogu saadaalinayay in loo magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Agaasime Fuursade iyo Madaxweyne Farmaajo ay carro ku kala tageen, shaqo ka tagistiisa ay la xiriirto ku hungoobida xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Bishii May ee sanadkii 2019 ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay Dr. Nuur Fuursade oo saaxib dhow ay ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, qoys ahaan xidid ka ahaa dhanka xaasaska.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa soo maray 3-dii sano ee u dambeeyay illaa shan agaasime, waxaana ay ka mid aheyd Xafiisyada aan lagu negaan oo hadba is bedelka uu joogto ka noqday.