Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Qalimow

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay afar kalena waa ay ku dhaawacantay, kaddib qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxan oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay maqaayad ku taala deegaanka, waxaana dadka dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaartay isugu jiraan dad rayid iyo askar.

Wararka ayaa sheegaya in maqaayada ay aheyd goob ay inta badan  ka cunteeyaan Ciidamada, dad kala duwan isugu imaan jireen.

Deegaanka Qalimow ayaa u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad, waxaana magaalada Jowhar u jirtaa illaa 30KM.