Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta gaaray wafdi uu horkacayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo.

Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug gaaray Guddiga Farsamada ee ka baaraan degida talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha Doorashooyinka.

Guddiggaan ayaa lagu wadaa in ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda kale ee ku sugan Dhuusamareeb ay u gudbiyaan Hanaanka doorashada heshiiska lagu yahay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa caawa ku hoyanaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur galbeed.