Xildhibaannadii ugu badnaa oo xaadiray Fadhiga Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo la sugayo

Xildhibaannadi ugu badnaa ayaa goor dhow xaadiray Fadhiga Baarlamaanka, iyadoo la sugayo khudbada uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedinayo kulanka.

Inkastoo kulanka la shaaciyay inuu furmi doono 9:00 subaxnimo ayaa hadana saacado badan dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay, iyadoo Xildhibaanada ay aroor hore tageen Xarunta Villa Hargeysa,

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal kooban oo kaftan ahaa soo dhigay bartiisa Facebook, isagoo ku sheegay in Xildhibaannada ay subaxnimo soo xaadireen, iyagoo kooramka soo buuxiyay.

“Saakay aroortii hore ayaa Kooramka Barlamaanka buuxsamay, Xildhibanadan Jacayl Madaxweyne uma soo kallihin ee mudo kordhin miyay ka dhex arkaan”ayuu yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka u jeediyo khudbad uga hadlayo xaalada guud ee dalka, kala guurka siyaasadeed, shirkii Dhuusamareeb 2, isagoo ka dalban doona Xildhibaannada in laga warsugo kulanka Dhuusamareeb 3 oo uu maanta gelinka dambe u ambabixi doono.

Kala soco wararkeena dambe