Dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbaland

Wararka ka imanaya dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaalo khasaare geystey ay ka dhaceen deegaano ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa waxa ay ka kala dhaceen magaalada Buurdhuubo iyo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraray Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo iyagoo dagaalkana uu ka dhacay buundada magaalada Buurdhuubo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Jubbaland ay weerareen goob u dhaxeysa degaannada Buulo-Gaduud iyo Janaay Cabdalla,isla markaana weerarkaasi ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.