Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Duqa Magaalada Dhuusamareeb iyo Wasiiro iyo Xildhibaano.

Duqa Muqdisho ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashada ee u dhaxeeya DFS iyo maamul Goboleedyada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeelanayay.