Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku wajahan magaalada Dhuusamaeeb

?????????????????????????????????????????????????????????

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku wajahan  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ku sugan magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi ayaa la filayaa inay ka soo laabtaan oo dib ugu laabtaan Garowe iyo Kismaayo, halkaasoo ay ka soo ambabixi doonaan.

Kulanka Dhuusamareeb 3 oo lagu waday in shalay oo Sabti ahayd ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa wararku ay sheegayaan in laga yaabo inuu maanta furmo shirkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu maalinta berri imaanayo Dhuusamareeb, halka Madaxweynaha Axmed Madoobe uu isna imaan doono ugu dambeyn illaa maalinta Arbacada ee soo socoto.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowlada Federalka Maxamed Cabdulallaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo martigeliyaha madasha ah.