Al-Shabaab oo weeraray Deegaanka Goof-Gaduud Buureey ee gobolka Bay

Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar ku bilawday qarax ay ku qaadeen dagaalayaasha Alshabaab saldhiga Ciidamada dowladd ku lahaayeen deegaanka Goof-gaduud Buureey oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaas kaasoo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkan ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen Saldhiga Ciidamada ee deegaanka goof-gaduud Buureey, kadib markii ay ku qaadeen weerar ku bilawday qarax ismiidaamin ahaa.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo 24 saac gudahood ah oo ay ururka Alshabaab qaadaan iyagoo adeegsanaya gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dagaalamayaal.

Shalay ayay ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Ururka Alshabaab ay weerareen hotel Elite ee magaalada Muqdisho.