Dowlada Soomaaliya oo amartay in baaritaan lagu sameeyo Weerarkii Elite Hotel

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka isagoo kala hadlay sidii baaritaan loogu sameyn lahaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Argagaxiso ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasilooni waarta ayaa laamaha amniga iyo guud ahaan ciidanka qaranka ku sameysay dib-u-habeyn ballaaran si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta mawaadiniinta iyo hantidooda.