Faahfaahin qarax ay ku dhinteen Guddoomiyihii iyo Taliyihii Booliska Goof-Gaduud

Waxaa soo baxaya faahfaahino qarax ay ku dhinteen guddoomiyihii deegaanka Goofgaduud Isaaq Cali Isaaq iyo Taliyihii ciidamada Booliska Xasan Bakac kadib markii taliyaha iyo guddoomiyaha ay gaareen saldhig ay dagaalamayaasha Alshabaab saaka waaberigii weerareen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddoomiyihii iyo taliyihii deegaanka Goofgaduud ay ku dhinteen qarax lagu xirey qof ku dhintey dagaal saaka dhex maray ciidamada Milatariga iyo weliba kuwa Alshabaab.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan weerarkii lagu qaaday Saldhigooda deegaanka Goof-gaduud oo qiyaastii 30-KM dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.