Jubbaland oo Beesha Caalamka ugu baaqday qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo loo dhan yahay (Akhriso)

Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saartay mowqifkeeda ku aadan shirka Dhuusamareeb 3 oo qarka u saaran inuu burburo, iyadoo ugu baaqday Beesha Caalamka inay Soomaalida ka caawiso qabsoomida shirkaas oo loo dhan yahay, lagana mira dhaliyo natiijooyinkiisa.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in meesha laga saaray Xukuumaddii hoggaamin laheyd arrimaha doorashada, iyadoo aan mid kale la magacaabin.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-