Maamulka Taiwan oo xafiis ka furtay magaalada Hargeysa

Munaasabadda xariga looga jarayay xafiiska uu Maamulka Taiwan ka furtay magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliland iyo marti kale ee la casuumay.

Munaasabadda waxaa dhinaca online-ka Internet-ka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Xafiiska ay ka furteen Soomaaliland.

Xubnaha ka socday Golaha Wasiirada Soomaaliland oo ka hadlay munaasabadan ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay muhiim u arkaan xiriirka cusub oo ay la sameeyeen Taiwan oo kamid ah Dowladda Shiinaha balse sheegtay inay ka go’day.

Dawladda Taiwan ayaa horaantii bishii Luuliyo ee sanadkaan 2020 shaacisay inay Xafiisyo diblomaasiyadeed ka furanayso Magaalada Hargeysa, si ay u xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Somaliland.