Madaxweynaha Galmudug oo codsi u diray Madaxda Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo caawa shir jaraa;id ku qabtay Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu furmay wajiga koowaad ee Shirka Dhuusamareeb 3.

Axmed Qoorqoor ayaa ka warbixiyay shirka, isagoo xusay in maanta ay la kulmeen Guddiga Farsamada, ayna ka dhageysteen warbixin.

Hadal u eg quus ayuu jeediyay Madaxweyne Qoorqoor, kaasoo ku aadan rajo xumada laga qabo inuu shirka fashilmi rabo, waxaana uu ka codsaday Madaxda shirka ka maqan inay ku soo biiraan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa si gaar ah uga codsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay ka soo qeyb galaan shirka oo ay qadariyaan reer Galmudug.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Qoorqoor ayaa yimid, iyadoo ay jireen hadal heyno kala duwan oo ku aadan inuu taageeray qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo inuu socdo qorshe Madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay keligood go’aamo gaar ah ku gaarayaan, iyagoo maqan Puntland iyo Jubbaland.