Taliska Ciidamada Booliska oo ka hadlay weerarkii Hotel Elite ee magaalada Muqdisho

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo ka hadlay waxyeeladii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen dad gaaraya 16 ruux halka 13 qofna ay dhaawacmeen.

Dadka dhintey ayaa sheegay in dadka ku dhintey weerarka ay ka mid yihiin shan nin oo hubaysan, kuwaasi oo ahaa raggii weerarka soo qaaday.

Khasaaraha ugu badan ee weerarka hotel Elite ayaa waxaa uu ka soo gaaray dadka rayidka, kadib markii gaari ku qarxay agagaarka iridka hore ee laga galo hotelka.

Weerarka Hotelka ayaa dadka ku dhintey waxaa ka mid ahaa Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS.