Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle oo caawa lagu diley magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboledka Hirshabelle ayaa sheegaya in lagu diley caawa Wasiirkii Beeraha iyoi waraabka dowlad goboleedka hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Maxamed Karaani.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirkii Beeraha Hirshabelle oo dhowaan la magacaabay la diley xilli uu ka soo baxay masjid uu salaadii Cishaha ku tukaday xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.

Dilka wasiirka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan iyagoo goobta ka baxsaday.

Allaha u naxariistee C/qaadir Karaani ayaa ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar waxana uu xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.