Dowlada Federalka oo ku eedeysay Maamulka Taiwan inay ku Xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Maamulka Taiwan inuu ku xadgudubay qaranimada Soomaaliya kadib markii ay safaarad ka furatay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Taiwan ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo walba oo ay u aragto
“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Dowladnimadeeda, Midnimadeeda dadkeeda iyo sharafteeda ‘Soomaaliya waxay xaqiijineysaa mowqifkeeda ixtiraamka Mabaadi’ida Awoodda Dowlad Gobaleedyada iyadoo la raacayo Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiyada Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaradda Arrimaha dibada.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibbada dowlada federalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso talaabooyinka lagama maarmaanka ah qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.