Kiisas cusub oo cudurka Coronavirus oo laga helay Puntland

Kiisas cusub oo ah cudurka Covid-19 ayaa laga helay deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in baaritaano laga sameeyay cudurkan laga helay dad cusub oo qaba cudurka.
Baaritaan lagu sameeyay lixdan ruux ayaa toddobo ka mid ah laga helay cudurkan Covid-19.

Dadka xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 27 sano jir ilaa 40 jir, Dhammaan dadka laga helay cudurka ayaa waxa ay ku sugan yihiin magaalada Garow.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 400 qof waxaa udhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 204 ruux.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan qaaday xayiraadii saarneyd duulimaadyada dalka iyo guud ahaan waxbarashada kadib markii hoos u dhac ku yimid cudurka Covid-19.