Labo nin oo lagu eedeeyay Kufsi oo lagu toogtay Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay labo nin oo lagu eedeeyay inay fal kufsi geysteen.

Booliska Koofur Galbeed ayaa dhowaan gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay inay kufsadeen wiil yar oo 9 sano jir ah, taasoo dad badan naxdin ku reebay.

Labada nin ayaa la sheegay inay qirteen falkan kufsiga, saakayna la toogtay, sida uu shaaciyay Wasiirka Cadaaladda Koofur Galbeed oo xusay in raggan la marsiiyay sharciga.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan laga soo sheegayay falal aan horay loo arag oo kufsi ah, taasoo naxdin iyo amakaag weyn ka dhalisay magaalada.