Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay dilkii Wasiirka Beeraha Hirshabelle

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda iyo shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo caawa kooxo hubeysan ay ku Dileen Magaalada Magaalada Jowhar Xili uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay Dilka wasiirka, waxaana Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, qoyskii, iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga naxay misna uga xunyahay Dilka Wasiirka, ayaa amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani.