Madaxweynihii Dalka Mali oo la xirey kadib afgambi ay sameeyeen ciidamada Milatariga

Madaxweynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa xabsiga la dhigey kadib kacdoon ay ku dhaqaaqeen ciidamo milatari ah oo ku sugan magaalada Bamako ay kacdoon ku dhaqaaqeen.

Ciidamo ku sugnaa saldhig ay milatarigu ku lahaayeen duleedka caasimadda ayaa waxaa u suurtogashay inay xiraan madax sarsare iyo weliba saraakiil Milatari oo uu ku jiro Madaxweynihii dalkaas.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ciidamadan ay xireen ra’iisul wasaarihii wadankaas Boubou Cisse.

Kacdoon ay sameeyeen ciidamo ku sugnaa saldhiga Kati sanadkii 2012kii ayaa waxaa xukunka loogaga tuuray Madaxweynihii xilligaas Amadou Toumani Toure.

Madaxweyne Keita ayaa wajahayay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo amniga oo xumaaday.