Qarax goor dhow laga maqlay Muqdisho iyo Faah faahin laga helay

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxa ayaa ahaa miino, iyadoo lala beegsaday gaari kuwa aan xabadaha karin oo marayay agagaarka Isbitaalka Deva oo ku dhow Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in qof waday mooto bajaajle ah uu ku dhaawacmay qaraxa, kaasoo loola cararay Isbitaalka.

Xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay sii xumaaneysay, iyadoo qaraxyo iyo weeraro ka dhaceen.

Waxaa u dambeeyay maalin ka hor oo Hotelka caanka ah ee Elite oo ku yaalla agagaarka Xeebta Liido lagu qaaday weerar isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah, taasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux.