Qarax ka dhacay garoonka Kubbada Cagta Beledweyne

DCIM101MEDIA

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay garoonka kubbada cagta ee magaalada beledweyne,iyadoo qaraxaasina uu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay albaabka laga galo garoonka kubbada cagta ee Laqanyo Stadium oo ay ka socdaan tartan ciyaar kubbada cagta ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada booliska waxaana la sheegay in ay ku dhinteen labo askari halka dhaawac kale uu jiro.