Gaari Waxyaalaha qarxa lagu soo raray oo lagu qabtay gobolka Shabelaha Hoose

Gaari waxyaalaha qarxa lagu soo raray kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay deegaanka Gendershe oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Gaarigan ciidamada qabteen oo nuuciisu ahaa Surf ayaa waxaa ku rarnaa waxyaabaha qarxa, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in gaarigan kusoo jeeday magaalada Muqdisho si weeraro loogu geesto.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in gaarigan qaraxyada ka buuxeen iyo ragii la socday gacanta ku dhigeen Ciidamada Danab.
“Waxa aan helnay xogta gaarigan waxyaalaha qaraxa lagu soo buuxiyay,waxaana ay ciidamadu kala furfureen waxyaabaha qarxa ee gaarigaasi saarnaa.”ayuu yiri Cornel Maalik.

Ciidamada Danab ayaa howlaglo kawada gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidamadan dhawaan la wareegeen deegaano iyo degmooyin Al Shabaab gacanta ku hayaan.