Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay wax qabanayaan ammaanka

Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa shir guddoomiyey kulan loogu hadlayey Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in baaritaano joogto ah laga sameeyo xaafadaha degmooyinka gobolka iyo gaadiidka lagu dhex wato wadooyinka Caasimadda soomaaliya ee Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xumaanayay iyadoo qaraxyo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen magaalada caasimada ah.