Taliyihii Saldhigga degmada C/siis oo shaqada laga joojiyay iyo askar loo xirey weerarkii Hotel Elite

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Weerarkii Elite shaqada uga joojiyay taliyihii Saldhigga Degmada C/casiis, iyadoo loo xiray askartii ilaalada Baraha Kantrol.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in shaqadii laga joojiyay taliyihii saldhigga degmada C/casiis,islamarkaana xabsiga loo taxaabay askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel.

Waxaa soconaya baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa la faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda.

Alshabaab ayaa weerar qarax uu ku bilowday ka geysatay Liido 15kii Bishan,wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa go’aankaasi uu ka soo baxay taliska booliska.

Weerarkii Hotel Elite ayaa waxaa ku dhintey dad ku dhow labaatan ruux halka kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.