Burcad badeed ku afduubtay markab xeebaha Soomaaliya

Wararka ka imanaya Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in burcad badeed hubeysan ay afduubteen markab ku safrayay calanka dalka Panama.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegtay in warkaasi uu u xaqiijiyay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland.

Markabka ayaa la sheegey inuu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta kuna jeeday dekadda Muqdisho.

Kooxo burcad badeed ah oo illaa iyo lix gaaraya ayaa markabkaasi qafaashay habeenkii Arbacada, sida uu sheegey Muuse Saalax oo ah guddoomiya Gardafuu ee Puntland.
Lama sheegin shaqaalaha ajaaniibta ah ee markabkaasi la socda, waana markabkii ugu horeeyey ee muddo sanad ah lagu afduubto xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa burcad badeed ka dilaacday waxa ay ku qafaasheen boqolaal maraakiib ah hase yeeshee waxaa ay joogsadeen afduubka maraakiibta kadib markii howlgalo wadamo badan oo caalamka iska kaashaday laga bilaabay xeebaha Soomaaliya.