Mareykanka oo si kulul ula hadlay Puntland iyo Jubbaland (Qaswadayaasha diidan…)

Dowladda Mareykanka ayaa farriin kulul u dirtay Madaxda ka maqan Shirka Dhuusamareeb 3, iyagoo ku tilmaamay qaswadayaal.

Qoraal Safaaradda Mareykanka ku soo qortay Barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inay ka shaqeeyeen in loo dhammaado Shirka Dhuusamareeb 3 oo Miiska la tago, hase ahaatee kuwa shirka ka maqan aysan waxba ka qaban karin.

“Qaswadayaasha diidan ka qeyb galka shirka waxay u baas baxayaan dimoqraadiyada Damacooda goonida ah. Dhinayacyadda shirka waxaa loo baahanyahay in ay horay u socdaan si loo helo hanaan waqtigiisa la isugu raaco”ayaa lagu yiri.

Tallaabadan ayaa ah tii horeysay oo farta ku fiiqeysa qaswadayaasha Soomaalida oo lagu calaamadeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkastoo aanay Mareykanku magac dhabin.