Wasaarada Waxbarashada oo dalka ka saareysa Wakiilka hay’ada Care ee dalka Soomaaliya

Wasaarada Waxbarashada dowlada federalka ayaa sheegtay in ay si dhaqso ah dalka ugaga saareyso wakiilka hay’adda Care International ee dalka Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Wasaarada waxbarashada ayaa madaxa ugu sareeya hay’adda care International xafiiskeeda Soomaaliya Iman Cabdulaahi lagu ogeysiiyay in dalka laga masaafurinayo iyada oo la ogaysiiyay saaxiibada Soomaaliya ee beesha Caalamka.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa wasiirka wasaarada waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre Agaasimaha fulinta Care inuu iska indho tiray siyaasadaha dowladda islamarkaana uu xiisado ka dhex abuuray dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

SIdoo kale wakiilka Care International ee dalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu carqaladeeyay horumarka waxbarashada, isagoo abuuray fowdo iyo kalsooni darro ka dhex taagnayd dowladda federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo taageerayaashooda waxbarashada.

Hay’ada Care ayaa howlo gargaarka waxbarashada waxa ay ka fulisaa deegaano ka mid ah Puntland waxaana weli taagan khilaafka u dhexeeya Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka iyo Maamulka Puntland.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Hay’ada Care International ee ku aadan khilaafka soo kala dhex galay hay’adda iyo dowlada Soomaaliya.