Akhriso: Puntland iyo Jubaland oo soo saaray mowqifkooda ku aadan Shirka Dhuusamareeb

War murtiyeed ay wadajir u soo saareen Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay ku caddeeyeen in aanay qeyb ka aheyn laguna matalin Shirka ka dhacay Dhuusamareeb, kaasoo xalay War murtiyeed ku saabsan hannaanka doorashada laga soo saaray.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay inuu dhacay qalalaase siyaasadeed intii u dhaxeysay Dhuusamareeb 2 iyo 3, arrintaas oo ay horay uga digeen, tallooyin ka soo jeediyeen.

“Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashda dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inay mar kasta diyaar u yihiin dadaal kasta oo loo dhan yahay oo lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/2021 ayna noqoto  mid wakhtigeeda ku dhacda ku dhacda si isla ogol ahna looga heshiiyo hannaanka doorashada  loo marayo qabsoomida farsamo iyo maamul ee doorashada.

Halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka:-